5. Hogaanka bulshadu ay soo doorato maxay isula shaqayn wayaan markasta? Qaybtii 5.aad

Calanka Somalai

Hogaanka bulshadu ay soo doorato maxay isula shaqayn wayaan markasta? Qaybtii 5.

Badhawe Aden File

waa qaybtii shanaad (5) uguna dambeysay oo aanu kaga hadlayno wacyiga maanta yaal Somalia. Waxaynu kasoo hadalnay dowladaha waawayn iyo saamaynta ay ku leeyihiin gayiga Somalia, waxaynu tilmaanay dowladaha dariska rabitaakooda ku aadan Somalia iyo awoodoodu inta ay le,egtahay. Waxaynu soo sheegnay arimaha ay ka midyihiin wada shaqaynta dowlada federaalka iyo maamul goboleedyada, sidoo kale waxaynu wax ka qornay dastuurka iyo muhiimada uu u leeyahay dowlada, sidoo kale waxaan iyana cabiraad ka bixinay bulshada rayidkaa doorka ay ku leedahay horumarinta iyo geedi socodka dowladnimo.

Qodobkaan ugu dambeeya waxaynu ku eegaynaa hogaanka bulshada Somaaliyeed  soo doorato caqabadaha ka horyimaada ee sababta iney isla shaqayn waayaan. Marka laga hadlayo hogaanka wadanka, waxaa bulshadu ka sugaysaa hogaankaas wixii lagu heshiiyey horaanba inuu raaco, oo maxay tahay waxa lagu heshiiyey: waa dastuurkii lawada qortay ee loo qoratay in qofkasta raaco. Hadaba hadii dastuurku uusan jirin ama qabyo yahay ama qaab eexasho ku jirto waxaa hubaal ah in isqabqabsi imaanayo. Dastuurkaas waxa ugu muhiimsan ee ku qoran waa iney yihiin yaa dadka u xaqsooraya, waxaa laga hadlayaa garsoorkii oo ay ugu muhiimsantahay maxkamadii ugu sareysay. Hadii aan garsoorka salka loo dhigin, oo aan garsoorka madax banaani cad lasiinin waxaa imaan isku dhac.

Marka laga hadlayo hogaanka wadan yeelanayo wuxuu noqon kara mid demoqraadiya oo dadku cod ku kala baxo, wuxuu noqon karaa mid boqortooyo oo hogaanku dhaxal ama isbadal yahay, ama wuxuu noqon karaa mid kaligi talis. Hogaanka Somalia u soo baxaa intaas midna maaha, waxa uu yahay waa lawada ogyahay. Waxyaalaha lagu doorto hogaanka wanaagsan waxaa kamida:- in qofku leeyahay aqoon maamul oo wadata ogaansha waxa dowlada curyaamin kara sida musuqmaasuqa,- inuu qofku yahay wadani (Nationalist) ka soo dhexmuuqday bulshada uu ku dhexnool yahay, wadanimadaasuna aysan ahayn mid dhayala, khaladaadka ka yimaada wadaniga dowladiisa waa mid sabab yeelan karta ee maaha mid ula kaca ,- inuu qofku yahay kaligi talis aan ku wanaagsanayn xuquuqda qofka laakiin dowladiisu muujiso horumarka wadanka, nabadgalyada bulshada, dadkuna ku ogolaado heerka dhaqaale ee uu wadanka gaarsiiyo.

Hadaba hogaamiyayaasha Somalia ama ha noqdeen kuwa federaalka ama ha noqdeen kuwa maamul goboleedyada maxaa la gudboon marka ay ogyihiin in dastuurku qabyo yahay, marka bulshada ay maamulayaan mabda,oodu qabiil yahay, marka dhaqaalaha wadanku ku socdo qayb libaax deeq umada kale baxsheen taas oo saamaynteeda leh, marka iimaankii lagu yaqiinay bulshada Somalia ay meeshii ka baxday, marka sadbursigu yahay mid lagu faano, dhaca buslshada, masaakiinta iyo agoonta xoolaheeda in la dhaco ay faan noqotay, sow intaas oo arimood iyo in kabadan keeni mayso in madaxdu isku dhacdo, su,aasho waa sidee looga bixi karaa? akhristow maxaad ka tiri sida looga bixi karo dhibtaas.

Bulshada rayidkaa dowr intee le,eg (xumaan iyo samaan) bay ku leeyihiin dhibta maanta ka jirta dhulka Somalia iyo horumar la,aanta curyaamisay wadanka?

Calanka Somalia

Bulshada rayidkaa dowr intee le,eg (xumaan iyo samaan) bay ku leeyihiin dhibta maanta ka jirta dhulka Somalia iyo horumar la,aanta curyaamisay wadanka? Qaybtii 4

Bulsha kasta waxay ku leedahay  dowlada xuquuq dawladeed, oo ah dowladu waa iney sugtaa amaanka qofkasta oo  muwaadina, waana iney ilaalisaa xuquuqda qofkasta oo ku nool xayndaabka ay xukunto. Qofka muwaadinkaa waxaa laga rabaa inuu ilaaliyo xuquuqda qofka kale, waana in laga nabad galaa afkiisa iyo adinkiisa. Qofka iyo bulshaduba guud ahaanba waa iney sharciga u hogaansamaan. Hadii aan bulshadu ilaalin dastuurka horumar lama gaarayo. Qisadaan yartaa bal u fiirso: ilmaha ku dhashay wadamada horumaray, laakiin aabayaashood ka yimaadeen wadamada soo koraya, gaar ahaan Carabta iyo Afrika markii ay arkaan ilmahaasu waaridkood oo wax wasakha ku tuuraya jidka waxay ku leeyihiin waaridkood aabe ama hooyo haku tuurin qashinka wadada, waa taas meeshii lagu ridi lahaaye, waxayna ilmuhu sameeyaan iney isla markiiba la ordaan oo qashinka ku ridaan meeshii loogu talagay. Bal barbardhig kuwaan:

Waxaa mudo dhowr todobaad laga joogo ka dhacday magaalada Galkacyo qiso ku tusaysa sida dadka magaaladaas ku nool ay uga fogtahay iney fahmaan dowlad iyo waxa bulshada waajib ku ah iney fuliyaan si dowlad shaqaysa loo helo. Wxaa dhacay in koox maxkamad la saarayo qabiilkoodii ay hub soo qaateen, eedaysanayaashiina maxkamada kala baxaan. Waxaa jira nidaam qaramada midoobay ku heshiiyey oo oranaya: masaajidka, kaniisada iyo safaaradaha amar la,aan xataa dowladu ma gali karto. Waxaa laga yaabaa in lagu xadgudbo madaxtooyada, xarunta Baarlamaanka iyo meela kale, in maxkamada oo ah meeshii loogu talagalay in cadaalad lagu kala boxo la weeraro waa mid aan marna la qaadan karin.

Waxaa iyana taas mid u dhow ka soo ifbaxayaan magaalada Bossaasso, sidee ku imaan kartaa in hub iyo ciidan lala soo galo magaalada iyadoo lagu andacoonayo waxbaa tabaneynaa, hadana ogooweey dowlad baan rabnaa bey dadkaasu ku hadaaqayaan. Hadii qof ama reer wax tabanayo waxaa u banaan labo mid: iney ka tanaasulaan waxay rabeen iyo iney wadahadal aan waqti lahayn dowlada iyo bulshada kalaba la galaan. Waa sida aduunyada horumartay nabad iyo barwaaqo ku gaareen. Waa maxay umadaan Somaliyeed waxay qoriga ula haarayaan markii arin culus timaado, maxay kaga gadisanyihiin umadaha kale, maxaa keenay wiilka reer Europe ee soo koraya in aabihiis u tanaasulo wax kasta si wiilkaasu uu keeyeesho mustaqbal,  halka aabha Somaliyeedna wuxuu cuno maalintaas uga doorbiday danta ubadka soo koraya?.

Dhankaa iyo Somaliland markii la milicsado, Madaxweyne Muse Bihi hadii inyar oo damiir ah uu leeyahay, hadii uu Diinta Islaamka wax ka garanayo, hadii uu Danta umada Somaliyeed in yar u damqanayo, hadii Dalka Somalia helidiisa inyar uu ka garanaayo, waxaa la gudboon inuu wax garadka isugu yeero, aayaha gobolkaasna iyaga u daayo, isna oday ka noqdo. Bulshada gobolkaas ku noolna waxaan dhihi lahaa waa iney meel fog oo ku dhisan qadiyad islam, mid Somaliyeed iyo mid jiritaanka ubadka soo koraya ee Somaliyeed u fakaraan.

Marka si guud loo cabiro umada/bulshada Somaliyeed, waa dad rumaysan diinta islaamka, Laakiin Islam baan haystaa kumana dhaqmayo, dastuurkii la qoratana ma raacayo waa arin bulshada Somaaliyeed  laga rabo iney ka gudbaan, una daneeyaan ubadka soo koraya.

Maxaa hortaagan dowlad federal ah oo ka hanaqaada gayiga Somalia? Qaybtii 3 . xaad.

Calanka Somalia

Somalia majiri kartaa hadii  aan dastuur qoran laraacyn, sharcia (islam) lagu dhaqmayn ama mid galigitalis ah oo amarkiisu sharci yahay aan  lahayn?

Hadii Somalia tahay dowlad federaal ah  sadex hay,adood waa iney yihiin kuwa qaab dowladeed ku dhisan, waxayna kala yihiin: 1. Hay,ada dastuur dajinta, taas oo macnaheedu yahay waa hay,ada ugu sareysa haykalka nidaam ee dowlad lagu maamulo. Waa hay, ada golaha shacabka (Baarlamaanka) ee matalaysa bulshada Somaliyeed meelkasta hajoogeene. Dhowr arimood ayaa kuu muujinaysa iney tahay ha,ada ugu sareysa marka laga hadlayo nidaamka dowligaa ee caalamku ku dhaqmo. Waxaa ka mida heshiis caalamiya oo aan baarlamaanku ogolaan golaha qaramida bidoobay kama ansaxmo, kasoo qaad bada maanta Kenya iyo Somalia isku haysato. Hadii madaxweynaha Somalia uu u saxiixo Kenya tilaabo ka mida bada Somalia, ma dhaqan galikaro saxiixaaso hadii aan Baarlamaanku ogolaan.

Waxaan fadhi ku diriryada ka maqlaa madaxweyne Farmaajo badii buu bixiyey, waxaa keenaya dadku inuu sidaas u fakaro iyagoon ku kalsoonayn dastuurka federaalka u yaala, waxaana masuuliyadeeda iska leh Baarlamaanka oo dadkii soo doortay wax warbixin ah ku celin. 2. hay,ada labaad waa xukuumada ama hay,ada fulinta dastuurka iyo hagida nidaamka dowligaa. Madaxweynuhu waa shakhsiga ugu sareeya shaqaalaha dowlada, xukuumadiisuna waa tan ama umad ka saarata dhib ay la nooshahay ama uga sii darta, waxayna ku xirantahay damiirka, akhlaaqda iyo xishoodka ilaahay ku abuuray ama ay aqooni ka celinayso waxaan u qalmin bulshada inuu ku hogaamiyo. Madaxweynuhu wuxuu bulshada u yahay tusaale (Symbol), marka laga eego xaga maamulka noocuu yahay, wuxuu bulshada u yahay hogaan dhaqameed dadka nool iyo jiilasha ka dambeeyaba ay ku daydaan sida uu u dhaqmo, wuxuu bulshada u yahay suugaan yahan, hadalada uu ku hadlo ee ilaalinta dastuurka ayaa cilmi baarayaasho adeegsadaan, wuxuu bulshada u yahay aqoonta iftiinka oo macnaheedu yahay wuxuu umadiisa ku soo kordhiyaa wax ka maqan bulshada markaa jirta sida umadoo uu dhexdhigo barnaamij nabadeed, intaas iyo ka badan buu umada u yahay, markaas baa kuwa ka dambeeya ee doorasho madaxweyne isku dayaan iney ama isagii oo kale noqdaan ama ka wanaagsanaadaan.

 Hadii aan dastuurka lagu heshiiyey sida uu u yahay loo hirgalin, ama ha  noqdo mid lagu heshiiyey ee bulsho qoratay ama kii alle soo dajiyey waa hubaal inaan bulsho horumar gaari karin. 3. Hay,ada sadexaad waa mida dastuurka ilaalisa, dadku wuxuu u yaqaan maxkamada sare, dad badan baa ku khalda garsoorka. Waa hay,ada ugu muhiimsan marka laga fiiriyo jiritaan iyo kala dambaynta hab dhaqanka dowladnimo, waa meeshii cadaalada, sinaanta iyo ilaalinta xuquuqda qofka, doorasha codka xortaa , bulshada guud iyo xukuumaduba ay ku kala bixi lahaayeen. Dowlad aan lahay hay,adaas oo boqolkiiba boqol madaxbaan dowladnimo ka fog.

Maxaa hortaagan dowlad federal ah oo ka hanaqaada gayiga Somalia? Qaybtii labaad (2)

Calanka Somalia

Badhawe Aden File

2. Dowlada federaalkaa waa noocee, maxay isula shaqayn waa yeen maamulada?

Waa maxay federaaliism? tan ugu muhiimsan ee lagu macneeyo federaaliism waa qaybsiga awooda maamul ee maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe ee federaalka. federaaliisimka waxaa tiir dhexaad u ah dastuur qoran oo la raaco, kalana qeexya awooda federaalka iyo maamul goboleedyada iyo hay,adaha dowlada oo loo dajiyo qaabka ay ku shaqaynayaan.

Waa nidaam ku dhisan go,aan ku dhisan wada shaqayn, wada shaqayntaasu waxay keentaa in mar dowladu federaalku yool ay lahayd iska dayso, sidoo kalana ay dowladaha federaalku u samraan dowlada federaalka si go,aan midaysan loo gaaro. Sababta ugu wayn ee keenaysa khilaafka maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe, ama xukuumada dhexdeeda maxay tahay? waa midaan akhristaha u daynayo, balse aan xasuusiyo akhristaha, dowlad federaal ah oo aan lahayn maxkamad sare ee dastuur oo waliba madaxbanaan oo kala saarta caqabadah ku yimaada hay,adaha dowligaa masuuroobi kartaa? masalo u baahan in aayad quraana lagu kala saaro anaa iri xal ma u noqon karaa? jawaabtu waa maya.

Kasoo qaad dad badan baa waxay isla dhexmarayaan , doorashada dowlada federaalku madhacaysaa? Hadii maxkamad federaal ah oo lagu kala baxayo ay jirto, kana jawaabi karta su,aashaa iyadoo raacaysa dastuurka federaalka, dadku kama walwaleen doorashadu ma dhacaysaa mise madhacayso, dowladaha horay u marayna dadkoodu hamigaba uguma jiro.

Umada Somaliyeed waxay arkayeen wixii soo maray oo doorashada ku saabsan, waxa hada maamul goboleedka Somaliland ka dhacaya, sidaas darteed miyeysan haboonayn xukuumada federaalu, gaar,ahaan madaxwayne Mohamed Abdullahi Farmaajo inuu bayaan madaxwayne oo bilaa bulshada u soo jeediyo, uga waramo xaaladu meeshay marayso, doorashada iyo wixii laxiriira. Umada Somaliyed waxay ka midtahay bulshada looyaqaan ”Oral Society” oo macnaheedu yahay waa in si toosa oo aan qoraal ahan loogu waramaa, cilmiga bulshaduna wuxuu leeyahay , markaad bulshada u warantid waxay la midtahay adoo maamulkii wax ka siiyey.

Hogaamiyaha ugu wanaagsan waxaa aqoonyahano badan isku raacsanyihiin waa kii bulshada uga taga xishood iyo akhlaaq (Moral and Ethics), taasaa waxay abuuraysaa isku tiirsanaan, tuugada iyo xoolaha umada oo ladhacayo in laga xishoodu, dilka alla ka fogaansha haa iyo beentu inay yaraato. Hada waxaa jira maamulo, kuwa lasamaynayo, qodobka ugu wayn oo bulshadu ka cabaneyso waa dhaca xoolaha iyo maalka bulshada Somaliyeed ka dhexeeya, waxaana lagu andacoonayaa waxaa saldhiga u ah khilaafkaan bulshadu isugu imaan la,adahay, waa iyadoo nin walba rabo inuu wax dhaco.

Maxaa hortaagan dowlad federal ah oo ka hanaqaada gayiga Somalia?

Calanka Somalia

Maxaa hortaagan dowlad federal ah oo ka hanaqaada gayiga Somalia?

Badhawe Aden  File

Asc

Anigu maahi nin khabiir ku ah siyaasada Somalia, mana ahi mid raba in qoraalkan uu kaga hadlo arimaha dhexyaal Somalida dhexdeeda. Qoraalkan waxaa ku cabirayaa dhowr arimood wadan laga filan karo,, waxayna kala yihiin:

  1. Dowladaha waawayn iyo kuwa dariskaa xiriirka ay la leeyihiin dowlada Somalia
  2. Dowlada federaalkaa waa noocee, maxay isula shaqayn waa yeen maamulada?
  3. Somalia majiri kartaa hadii  aan dastuur qoran laraacyn, sharcia (islam)lagu dhaqmayn ama mid galigitalis ah oo amarkiisu sharci yahay aan  lahayn?
  4. Bulshada rayidkaa dowr intee le,eg (xumaan iyo samaan) bay ku leeyihiin dhibta maanta ka jirta dhulka Somalia iyo horumar la,aanta curyaamisay wadanka?
  5. Hogaanka bulshadu ay soo doorato maxay isula shaqayn wayaan markasta?

Inta aynaan u galin arinta Somalia aan in yar iftiimiyo taariikhda dunida, meesha aduunku maanta marayo iyo saadaasha khubarada ku xeel dheer siyaasada aduunka (Geopolitics) si aynu u fahamno arimaha somalia. Laga bilaabo dagaalkii labaad waxaa dunidan hogaaminayey dowladaha loo yaqaan western (dowladaha qarbiga), waxayna ku hogaaminayeen mabaadi,i (Western-led Paradigm) oo macnaheedu yahay waa in wadan walba u hogaansamaa aragtida fikirkaas mid dhaqaale, mid siyaasad iyo mid bulsho.

Fikirkaasu wuxuu ilaa hada noqday mid dowladaha qarbigu ku najaxaan dhinac dhaqaale, dhinac siyaasadiyo,  dhinac bulshaba iyo dhinac horumar farsamo. Dhinaca kale wuxuu noqday mid curyaamiyey wadamada loo yaqaan dunida sadexaad (horumar la,aan dhinac kastaa iyo khilaaf joogtaa), fikirkaas wadankii raaci waaya wuxuu noqday mid la cinqilaabo, laysku diro iyo in aakhirka ay horseedo dagaal dadku is xasuuqo, waaya aragnimo waxaa qofka Somaligaa ugu filan dagaaladii ka dhex qarxay waqtigii 1990 kii somalida dhexdeeda, waxaa kaloo fikirkaasu bohol ku riday midnimadii caalamka Islaamka. Wuxuu ahaa fikir ay hogaanka u hayaan dowlada maraynku (USA), iyo dowladaha ku bahoobay cududa milatari ee loo yaqaan NATO.

Hadii aynu in yar ka niraahno dunida iyo maanta, waxaa mar walba fikirkaa aynu kor ku soo xusnay la tartamayey wadamada Russia iyo Kinaha gaar ahaan, waxaana khubarada ka dooda siyaasada guud ay leeyihiin waxaa lasoo gaaray, ama lajooga waqti isbadal wayn uu ka hirgali doono aduunka (another period of historical transition), calaamadaha ay ku cabirayaan isbadalka imaan doona waxaa ka mida: siyaasada cusun ee Usa, dibu dhaca ka muuqda wadamada Europe, ka bixitaanka ingisriisku ka baxayo wadamada kale ee midowga Europe, quwada milatari ee wadanka Russia iyo Kinaha oo dhinaca dhaqaalaha iyo kan farsamada casrigaa si xawliya u socoto. Hadana bal aynu eegno khubarada iyo sida ay saadaashooda ku cabireen.

Kow, dowladaha qarbigu waa ka gudbayaan caqabadaha haysta oo dhan, waxaana sii socon doona hogaanka dowladaha qarbigu hayaan ilaa hada (Western-led Paradigm). Labo, waxaa abuurmi doona wada shaqayn dhexmarta wadamada qarbiga iyo dawladaha kale , gaar ahaan Russia iyo Kinaha oo hogaaminaya wadamada ku bahoobay waxa loo yaqaan Brics (Brasil. Russia, India, China and South Africa,), taas oo horseedaysa fikirka oranaya wada shaqaynta badan (Multi-polar system). Sadex, waxaa muuqda in aan lagu heshiin doonin dhaqaalaha iyo siyaasadaba, sidaas darteed waa lama huraan dagaal ay wadama badan ka qayb qaadanayaan inuu mustaqbilku yimaado.

Waxaa lasoo gaaray markii aan dib ugu noqon lahaa arimaha Somalia iyo shantii qodob ee aan ku talagalay inaan faalo ka bixiyo, waxaana filayaa inaad arimaha Somalia ka dhex fiirin doontid marwalba qoraalkan kor ku xusan iyo saamaynta ay ku leedahay Somalia. Qodob walba mar baan soo daabacayaa si akhristuhu uusan qoraalku ugu dheeraan.

Dowladaha waawayn iyo kuwa dariskaa xiriirka ay la leeyihiin dowlada Somalia. Markaad dib u eegtid khubarada siyaasada aragtidooda qodobka sadexaad waxaa lagu jiraa waqti xasaasiya, wadan walba wuxuu isu diyaarinayaa waxa dhicidoona, wadan walba, waa dowladaha waawayne wuxuu isku dayayaa inuu dowladaha yar-yar wadada isagu rabo ay raacaan. Hada wali waa lays fiirsanayaa waxaase imaan doonta maalin xoog laysku muquuniyo, walibana filo in wadankoo dhan lala wareego. Wadanka Somalia wuxuu ka midyahay dayrarka USA ku leedahay wadanka maraynkanka dibadiisa, dowladaha dariskaana ficil uusan raali ka ahayn kuma talaabsan karaan. wixii dowladaha dariskaa sameeyaan waa miduu Somalia si xeeladaysan ugu soo xera galinayo. Waxaa taas markhaati ka ah, bal eeg qof kasta oo xil doona waa inuu safaarada USA ku leedahay Kenya iska xaadiriyo, xataa kuwa maamul goboleedyada, waana inay la kulmaan safiirka Danjire Donald Yamamato. Nin baa wuxuu ku maahmaahay ” gobanimo dhaga adayg baa igaga haray, waxba yaan khiyaali laysku maaweeline aynu ninka wax kala saxiixano . Bal eeg qariirada Somalia, maxaa kuu muuqda? Wuxuu yiri nin Admiraal ah oo maraakiibta dagaalka ee usa madax ka ah waqtigii burcad badeeda: hadii aduunku ogaan lahaa in wiilal yar-yar oo aan waxna qorin, waxna akhrin ay dhaqaala aduunka sidaan xeebta Somalia uga curyaamin karaan waa horaa badaan wax laga qaban lahaa. Hadalkaasu wuxuu ahaa meesha hala dago, waana layeelay. Waagii xornimada Somalia qaadaneysay wuxuu Ingiriisku soo jeediyey in shanta Somalia uu isu keeni doono hadii somalia ay ka mid noqonayso wadamada ku bohoobay deeqda iyo dhaqaalaha ee loo yaqaan (Common Wealth). Fikirkaas waa ladiiday, maanta waxaa taal tii oo kale, sidee lagu badbaadin karaa 6:da maamul iyo Banaadir. Mar hadii lahaysto wadanka, malaga yaabaa in lahelo dad laxisaabtama ninka haysta wadanka? Qariirada waxaa ka muuqda dhul xeebta ugu muhiimsan aduunka leh, dhul dhaqaale noocuu yahay leh, bal eeg gacanka cadmeed iyo inta maraakiib marta, bal eeg bada Indian Ocean, bal eeg xiriirka badaha kale ay Somalia la leedahay, waa dhul aan nin xoog lihi sina ku dayn karin inuu kayd ka dhigto mooyee. Tii alle waa meesheeda. lasoco qaybaha kale

WBT

Bilowgii Fadhigii Khadar(Qatar) Qaybtii 4 aad, Pakistan

Bilowgii Fadhigii Khadar(Qatar) Qaybtii 4 aad

خلافة إسلامية

/الخلافة العثمانية

Badhawe Aden File

Asc

Pakistan ( Islamiska republiken Pakistan) waa wadan ka tirsanaan jiray wadanka India, sida aad ku aragtaan magaca: Islamiska republiken of Pakistan, Pakistaan waa wadan ka gadisan wadamada caalamka Islaamka marka laga eego sida uu ku aasaasmay, waa wadanka kaliya ee ku dhismay aragtida iyo qaadashada diinta Islaamka, hadii aynu si kale u dhigno markii uu ka go,ay wadanka India wuxuu uga go,ay in Pakistaan ay tahay wadan diinta Islaamka haysta.

Wadanka Pakistan waxay diinta Islaamku soo gaartay markii uu la wareegay hogaamiye lagu magacaabi jiray Mohamed Ibn Qasim 711 e.c, oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii Islaamka. Qarnigii 1800 e.c waxaa qabsaday wadanka India boqortooyadii Ingiriiska, waxayna India ka xorowday wadanka Ingiriiska 1947 e.c. Markii wadanka India ka xoroobay Ingiriiska, wuxuu wadanku u kala qaybsanaa labo qaybood oo midna diinta Hinduugu ku badnayd, midna diinta Islaamku ku badnayd. Waxaa 1947 dhismay laba wadan oo mina yahay India, midna yahay Pakistan.

Hogaankii Pakistan waxaa qabtay 1947 Mohamed Ali Jinnah, oo horay u ahaa gudoomiyaha qaybta ay Muslimiintu ku badnayd ee pakistan. Khilaaf aad u balaaran ayaa ka dhex bilowday India iyo Pakistan, waxaana labada dhinac u kala qaxay dad lagu qiyaaso 15 iyo toban(15 miljan) miljan, qaxaas oo ku salaysnaa labada diimood oo lakala haysto. Ismarin waaga ugu wayn wuxuu ahaa gobolka layiraahdo Kashmiir oo u badan Muslimiinta, gobolkaas oo qaybuna ka mid tahay India , qaybuna ka mid tahay Pakistan ilaa hada. Pakistan markii ay xornimada qaadatay waxay ka mid noqotay wadamada ku bohoobay dhaqaalaha ee Ingiriisku hogaamiyo, loona yaqaan ”Common Wealth, waxayna Pakistan kabaxday ururkaas 1956 inksta oo ay dib ugu soo noqotay ka dib, dhowr jeer oo kalana kabaxday, laakiin hada ay ka midtahay

 Wadanka Bangladesh hada loo yaqaan wuxuu la midoobay Pakistan markii ay xornimada qaateen, laakiin khilaaf siyaasadeed, mid maamul xumo ka timid dhinaca Pakistan, isku dir ay ka dambeeyeen dawlado kale iyo iyaga oo wadanka India dhexdooda ku yaal waxay kala go,een taariikhdu markay ahayd 1971. Bangladesh waa wadan yar , laakiin tiro ahaan waxaa ku nool dad gaaraya 170 miljan, waa wadan dhulkiisu uu hodan ku yahay xaga beeraha, inkasta oo ay duufaano iyo roobab badan ay saamayn xaga beeritaanka ku hayaan, meesha Pakistan ku dhawdahay 200 oo miljan. Pakistan waxay xuduud la leedahay Iran, Afganistan, India iyo wadanka Kina oo ay mudo dheer saaxiibo ahaayeen, hadana ay ka dhaxayso wada shaqayn dhinac kastaa, taas oo horumar wayn ee xaga dhaqaalahaa Pakistan u suuro galisay.

Pakistan waxay kale oo uga gadisantahay caalamka Islaamka Intiisa kale, waa wadanka kaliya ee Islaamkaa ee leh hubka wax gumaada ee loo yaqaan Nuclear ka. Sidoo kale India ayaa iyaduna leh hubka wax gumaada, waxaa aduunku aad uga walwalayaa labadaas wadan ee khilaafka adagu ka dhexeeyo, dhowr jeerna dagaalo dhexmareen iney hubkaas isu isticmaalaan. Inkasta oo Pakistan ay xaga farsamada casrigaa aad ugu horayso, hadana marna khilaaf gudaheedaa kama bixin. dhowr jeer baa cinqilaabyo ka dheceen, siyaasiin badan baa la laayey, khilaaf diineed oo adag baa dhexyaal oo curyaamiyey horumarkii wadanka dhan kasta. Waxaa kiinuhu ku tala jiraa inuu Pakistaan ka dhiso dakada ugu wayn aduunka ee ku taal xeebta Indian Ocean ee cabir ahaan si toosa ugu taal bariga magaalada Garacad ee maamul goboleedka Puntland, taas oo aan qiyaasayo haday hirgasho iney saamayn wayn ku yeelan doonto guud ahaan Somalia, gaar ahaan magaalada Garacad ee dhulka Puntland, Somalia. Intaas waxaa inoogu dhamaaday silsiladii Bilowgii Fadhigii Khadar(Qatar).

Bilowgii Fadhigii Khadar(Qatar) Qaybtii 3 xaad

Turky

خلافة إسلامية

/الخلافة العثمانية

Bilowgii Fadhigii Khadar(Qatar) Qaybtii 3 xaad

Badhawe Aden File

Turky waa wadan u dhexeeya qaarada Europe iyo Asia, wuxuuna xuduud la leeyahay sideed (8) wadan oo kala ah: Bulgarian, Grekland, Georgien, Armenien, Azerbajan, Iran, Irak and Syria. Wadanka Turkigu waa wadan taariikh muhiima u leh umadda Islaamka iyo Wadamada diinta masiixigaa haysta. Taariikhda Turkiga halkaan laguma soo koobi karo, laakiin waxaynu kasoo qaadaneynaa inta muhiimkaa. Muddo laga joogo 500 oo sano kahor inta aan diintii nabi ciise soo bixin ayaa waxaa biloday boqortooyadii Rooma. Diinta masiixigu waxay ku fiday wadama badan oo ay kamid ahayd Wadanka Balistiin, waana meeshii ugu horaysay oo boqortooyadii Roomanku u ogolaadaan iney diintooda u madax banaanaadaan. Nabi ciise waxaa allahii weynaa oofsaday markay diinta masiixigu jirtay 33 sano.

Wadanka Talyaaniga caasumadiisa oo ahayd meeshii ugu waynayd ee laga maamulayey boqortooyadii Roomanka waxaa ka bilowday khilaaf laxalin waayey, waxayna horseeday in boqorkii Konstantiin uu uguuro caasumadii labaad oo ahayd konstantinopel (Istanbul) ee hada loo yaqaan Istanbul 330 e.c. kadib bilowgii diinta masiixiga. Taariikhdu markay ahayd 600 e.c waxaa bilowday diinta Islamka oo ku fiday wadamo badan waxaana kamid ahaa wadanka Turkiga oo markaas ahaa xaruntii boqortooyada roomanka, maadaama caasumadii room khilaaf saameeyey, caasumaduna waxay ahayd konstantinopel (Istanbul) ee hada loo yaqaan Istanbul. Dhacdo aan la ilaawi karin waxaa noqotay markii xukuumadii Islaamku la wareegtay wadanka Turki, gaar ahaan caasumadii konstantinopel 1453. Magaaladaas istanbul waxaa ku yaala kaniisada loo yaqaan Hagia Sofia. Kaniisadaas waxaa la dhisay markay taariikhdu ahayd 532 e.c, waxayna dadka masiixigaa ula mid tahay meesha masjidka wayn ee Qudus uu u joogo umadda Islaamka. Markii Islaamku la wareegay Istanbul waxaa kaniisadii laga dhigay masaajid, laakiin markii dadkii masiixiga ahaa ka samri waayeen iyo siyaasado awgeed waxaa loo badaley muusiyuum (Museum)1934. Qabsashadii Turkigu waxay horseeday in 1550 ay hogaanka Islaamka la wareegaan maamulkii loo yaqaanay ismaaniyiinta, kuwaas oo maamulayey caalamkii Islaamka ilaa iyo 1923. Wadamadii ay ka mid ahaayeen ingiriiska, Russia iyo Fransiisku waxay kala qaybsadeen wadamadii Islaamka, waxaana laysku diray xukuumadii Turkiga iyo wadamadii kale ee caalamka Islaamka.

1913 waxaa wadanka Turkiga ka dhacay cinqilaab, awoodii dawladnimana waxaa la wareegay koox saraakill ahayd, halkaas oo laga xayuubiyey boqorkii awoodiisii. Waxay ahayd dhacdo xanuun badan maadaama uu boqorku astaan u ahaa wada jirkii umadda Islaamka. Turkiet waa wadan dhinaca farsamada casrigaa aad ugu horeeya inkastoo uusan lahayn hubka wax gumaada ee loo yaqaan Nukliyeer (Nuclear).

Bilowgii Fadhigii Khadar(Qatar) Qaybtii 2 (labaad)

Malaysia

خلافة إسلامية

/الخلافة العثمانية

Bilowgii Fadhigii Khadar(Qatar) Qaybtii 2 labaad

Badhawe Aden File      

Nin ka tirsanaa xukuumadii  ingiriiska ee qabsatay dhulkii loo yaqaaney khilaafadii Islaamka ama khilaafadii cismaaniyiinta ayaa waxaa laweydiiyey sidee ku qabsateen, ugana adkaateen xukuumadadii cismaaniyiinta ee awooda badnayd? wuxuu ku jawaabay waxaan baranay afkoodii, iyo dhaqankoodii, dabadeed waxaa sahal noo noqtay inaan barano siday u fakaraan. Waxaa ku xigtay lawareegii dhulkii caalamka Islaamka.

Waxaa wadanka Qatar maalmahaan ku sugnaa madaxweynaha dalka Turkiga, wararka ka imaanaya Doha ee caasimada wadan Qatar ayaa oronaya in Turkigu layimid hindisaha ah in afar wadan oo kala ah: Pakistan, Turkiga, Maleysia iyo Qatar ay samaystaan wada shaqayn xaga dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta bulshada. Aragtidaas oo loo fasiran karo soo noqoshadii xukuumadii Cismaania, taas oo dowlado badan wal-wal ku dhalin karta.

Malaysia iyo taariikhdeeda oo kooban

Waxaynu qaybtii koowaad kusoo qaadanay wadanka Qatar, qaybtan labaad waxaynu ku eegaynaa wadanka Malaysia ee ku yaala qaarada Asia. Malaysia waxay xuduud la leedahay afar wadan oo kala ah: Thailand, Singapore, Indonesien iyo Brunei. Malaysia waxay ka midtahay wadamada uu hogaamiyo Ingiriisku ee ku midoobay dhaqaalaha, loona yaqaan ” Common wealth”. Malaysia waxaa gumaysan jiray Ingiriiska, waxayna xornimadeeda qaadatay 1957.

Wadanka Malaysia waa boqortooyo federaal ah, laakiin awooda maamulka waxaa iska leh xukuumada raiisul wasaaraha. Sharciga ugu sareeya wadanka waa ”Islamic Sharcia inkasta oo sharciga madinigaa lagu dhaqo wadanka, maadaama wadanka ay ku nool yihiin bulsho kala gadisan oo ka kooban: Boqolkii 63 % Suni islam, 20% Buddism, 10% Masiixi, 6% Hindism, iyo umada kale.

Malaysia waxay ka mid tahay wadamada warshadaha leh, kuna hormaray wax soosaarka qalabka warshadaha, waxaana dhaqaalaha ugu badan uga yimadaa qalabka warshadaha ee ay u beec gayso aduunka. waxay ka mid tahay wadama yar ee kamida wadamada Islaamka ee dhinaca farsamada casrigaa aad ugu ceeldheer.

Fikirka Mr Erdogan ee midaynaya afartaa wadan ee aynu soo xusnay ayaa salka ku haya aragti dhaqaale, farsamo casriya iyo daganaansho siyaasadeed.

Bilowgii Fadhigii Khadar(Qatar)Qaybta koowaad

 

Calanka Khadar

خلافة إسلامية

/الخلافة العثمانية

Bilowgii Fadhigii Khadar(Qatar)

Badhawe Aden File      

Nin ka tirsanaa xukuumadii  ingiriiska ee qabsatay dhulkii loo yaqaaney khilaafadii Islaamka ama khilaafadii cismaaniyiinta ayaa waxaa laweydiiyey sidee ku qabsateen, ugana adkaateen xukuumadadii cismaaniyiinta ee awooda badnayd? wuxuu ku jawaabay waxaan baranay afkoodii, iyo dhaqankoodii, dabadeed waxaa sahal noo noqtay inaan barano siday u fakaraan. Waxaa ku xigtay lawareegii dhulkii caalamka Islaamka.

Waxaa wadanka Qatar maalmahaan ku sugnaa madaxweynaha dalka Turkiga, wararka ka imaanaya Doha ee caasimada wadan Qatar ayaa oronaya in Turkigu layimid hindisaha ah in afar wadan oo kala ah: Pakistan, Turkiga, Maleysia iyo Qatar ay samaystaan wada shaqayn xaga dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta bulshada. Aragtidaas oo loo fasiran karo soo noqoshadii xukuumadii Cismaania, taas oo dowlado badan wal-wal ku dhalin karta.

Qoraalkan waxaynu ku soo koobaynaa taariikhda wadanka Qatar oo katirsan isu taga wadamada carabta. Akhristaha qoraalkan baan u daynayaa su,aalaha iyo aragtida uu ka milicsan karo qadiyadaan afartaan wadan waxay aduunka/caalamka Islaamka ku soo kordhin karaan. Waxaynu sidaan oo kale ku soo qaadan doonaa Badhawe File sadexda wadan oo kale oo iyagu ka miisaan culus xagaawooda milatariga iyo tirada dadkaba.

Qatar iyo taariikhdeeda oo kooban

Qatar waxay kamid ahaan jirtay dhulkii boqortooyadii Persia (Iran) ka talin jirtay, waxay dabadeed ka midnoqotay wadamadii islaamku ku balaartay dabayaaqadii qarnigii 600 miilaadiyada, 1700 A.D waxa qatar qabsadey Bahrain, 1871 waxaa qatar lahoos keenay xukuumadii Cismaaniyiinta. 1916 waxaa qatar qabsadey ingriiska , 1971 waxay qatar lasoo noqotay xornomadeedii.

Qaatar waa wadan dherarkiisu yahay 160 kilometer. Qatar dhaqaalaheeda ugu wayn waa saliida (oljada). Qatar waxay xuduud la leedahay xaga dhulka Saudi_Arabia, xaga xeebta bada waxay xuduud la leedahay Bahrain. Qatar waa wadan boqolkii ba 90% wax ka badan Muslim ah, xukuumadu waa boqortooyo awoodeedu tahay gebi ahaan, waxaa jira baarlmaan lataliye u ah boqorka.