

إن الله ما أخذ وله ما أعطى وكل شيء عنده بأجل مسمى
Jamal Farah Aden, dhintay 01 Mars 2021, Hijra (Rajab 17(-1442-1443)
Jamal Farah Aden wuxuu ku dhintay (Lagu dliay) magaalada Galkayo, Gobolka Mudug.
Jamal wuxuu ahaa Wariye, Qoraa, nin u dagaalama nabada iyo xoriyada bulshada Somaliyeed. Jamal wuxuu ahaa astaanta horumarka xuquuqda bulshada Somaliyeed.
Wuxuu ahaa nin warbaahinada kala duwan ka dhexmuuqda isagoo u dagaalamaya in bulshada Somaliyeed ku noolaato nabad iyo nabadgalyo.
Jamal oo mudo sodon sano ah kusoo shaqaynayey wariye ayaa ahaa wariye aqoontiisa ku darsadey geesinimo, daacad iyo inuu raadiyo daryeelka bulshada iyo nabad raadinta bulshada Somaliyeed.
Uguma horayn mana ugu dambayn doono dadka u dhimanaya nabada iyo nolosha umada Somaliyeed. Ilaahow uwada naxariiso
“اللهمّ إنّه عبدك وابن عبدك، خرج من الدّنيا، وسعتها، ومحبوبها، وأحبّائه فيها، إلى ظلمة القبر، وما هو لاقيه”. “اللهمّ أبدله داراً خيراً من داره، وأهلاً خيراً من أهله، وأدخله الجنّة، وأعذه من عذاب القبر، ومن عذاب النّار”. … “اللهمّ آنسه في وحدته، وفي وحشته، وفي غربته”.
Badhawe Aden Hussein