Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ugu horayn ehelkii iyo qaraabadii ay ka dhinteen dadkii ku le,eday qaraxii ka dhacay magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug, sidoo kale waxay dadkaasu ka dhinteen umada Somaliyed, si gaarana bulshada ku nool gayiga gobolka Mudug. Waxaan wadanka Sweden ka qayb galay muxaadaro nabadeed oo ay wadeen Gen. Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje Dagaari), iyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Mudug Qaybta Puntland Maxamuud Yaasiin Tumay. Waxay labadaas nin noo soo gudbiyeen sida ay uga go,antahay iney bulshada gobolka Mudug kunool nabad iyo wada noolaansho dhexdhigaan.
Waxay u qalmaan bilad nabadeed oo lamida tii Gaandi iyo Mandeela oo kale, waxay su,aasho tahay: mala heli doonaa kuwa iyagii oo kale ah ? alle ayaan ka baryeynaa inuu janadii ugu bishaareeyo intii ku dhimatay qaraxaas, ehelkoodana samir iyo iimaan.


