DHALINYARADA WAXBARTAY

DHALINYARADA WAXBARTAY

By: Dahir Mohamed Aden


Qofkasta o waxbarta maadi ama diini wajib ayaa kasaran inu wax ku kordhiyo dadkisa iyo dalkisa.
Bilowga barashada aqonta qofka waxa labarah faidada u uleyahay qofka waxbartay sidu ubadali karo ummad dhan iyo sidu samayn lataban karo ugu yeelan karo asago adeegsana qalinkiisa.
Dhalinyaradu waaa laf dhabarta bulsho walba dhalinyarada maankoda maskaxdoda si saxa uga faidaysta dadkoda iyo dalkoda ayay guulo lataban karo gaarsiyan
Wadankasta oo manta ku faanya awood waxbarasho awod ciidan mid dhaqale mid hormarineed dhamaan waxaa gaarsiyay heerkas waa dhalinyaro ma ahan wayeel
Dhalinyaradu waxay haysta saddex furadod kuwas haday ka faaidaystan aay keeni karto hormar lataban karo hadi saddexdas awodod ladayacana ay u keeni karto dib udhac balaran iyo aafoyin aan lagaso waqsan karin
Maskaxda muruqa waqtiba hadi ay kulman o sida saxda loga faidaysto waxay keeni karta in dadkas iyo dalkisa hormar dhan walba gaarikaran.
Waa awoodo ubahan in sidhaba loga faidaysto si lo badalo maanka bulsho latiicayso caqabado isbiirsaday oo nolosha ah.
Dayaca iyo kafaaidaysi la,aanta maskaxda muruqa iyo waqtigaba qofka iyo bulshadaba waxay ka dhigan kuwa aan hormar gaari karin waxba aan qabsan karin isbadal iyo hormar iskadayo ayagu dib dhibaatoyin iskugu gaarsiya
Dhalinyarada waxbaratay marka ay si dhaba uwada gulaysan karan waa marka ay danta gaarka kahormariyan danta guud.

Qofka inu shaqaysto maal tabcado hormar shaqsiyaded gaaro waxay qayb katahay hormarka bulshada samayn karto waxay qayb lixaad leh kaqadan karta hormarka iyo isbadalka bulshada lakin waqtiyadan danbe dhalinyarada waxbaratay dantoda gaarka waxay dhaafsisanayan masiirki ummadan caqabaduhu hareyen.
Marka kaliya ee sidhaba uwada daremi karno farxad dhaba wa marka aan ummadena uga faidayno waqtigena muruqena maskaxdena iyo malkena.
Isbadalka bulsho kuma imaado malin isbuuc iyo bilo iyo sanado dhow lakin waa mid ubahan waqtibadan dadal badan samir badan dulqad badan karti badan naf hurid badan intas o laysku geyay waxay horseedi karan in bulshado isbadasho si tartiib tartiib ah.
Inan waqti badan ku dhumino siyaasadaha sidiidan aan mira dhalka lahayn meel ay kasocdan iyo meel ay usocdan aan lagaranayn aragtiyaha hogaaminta bulsho an lahayn waxay dhalinyarada u horseedi karan in si khaldan loga faidaysto maskaxdoda muruqoda iyo waqtigoda.

Waqtigan hada lajoogo dadkena iyo dalkena majiro waqti ay uga baahi badan tahay in isbadal yimaado waxa kaliya ee isbadalka dhaba samayn karah waa dhalinyarada waxbaratay iyo aqonyahanka cilmiyada maadi iyo diinigaba leh kuna takhasusay
Hadi aadan cilmiga baratay aadan dadka iyo dalka ku anfici karin ugu yaran yaan si khaldan loga faidaysan oo aan dhibato uhorseedi dalkan iyo dadkan.
Aqontu mahan inad DEGREE wadato ama MASTER ama BHD
Aqontu waaa hadba inta taqan dadka iyo dalka uga faaidee ugu yaran qofka aqon inta taqan bar gaarsi uga faaidee waxad ku dheertahay maskax ahan iyo aqon ahaanba waa halkas bilowga isbadalka ay gaari karto bulsho isbadal dhan walba ubahan.
Caqabadaha nagahaysta dhalinyaro ahaan dhanka nolosha o ay kamid tahay shaqo la,aanta cafmad la,aanta dowlad la,aanta waxbarasho la,aanta aman la,aanta dhaqalo xumida waxa kaliya aan uga gudbi karno wa inan. Midowno islamarkana aan midayno maskaxdena muruqena iyo waqtigena!

Lämna ett svar

Din e-postadress kommer inte publiceras. Obligatoriska fält är märkta *