ASC: Islan Bashir Islan Abdulle iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo ayna kamid yihiin Fiqi Abdinaasir Mohamud Mire, Garaad Maxamed Cilmi Shirwa iyo Amiir Maxamuud Ciise Yuusuf ayaa gaaray magaalada Burtinle. Waftiga Islan Bashir horkacayo ayaa waxay magaalada kula kulmi doonaaan Boqor Burhan Boqor Muse oo shalay lagu soo dhaweeyey magaalada Burtinle. Labada Issim iyo waftigooda ayaa booqasho ku kala bixin doona gobolka Mudug.