EU go,aankeeda/ soojeedinta ku socota laajiyiinta (EU message to refugees) : Preferably stay at home: Wadankiina jooga.

Gudiga hay,ada  socdaalka iyo laajiyiinta ee wadamada EU gudoomiyaheeda Ylva Johansson ayaa soo jeedisay go,aamo culus, khatarna ku ah dadka laajinimada doonaya. Laga bilaabo 2015 waxaa yimid wadamada EU:da laajiyiin badan, taas oo keentay khal-khal siyaasadeed, nacayb ajnabi iyo khilaaf xisbiyada dhexdooda ah. Siyaasada wadamada EU ayaa laga cabsi qabaa iney keento iney soo baxaan xisbiyo neceb qaxootiga, markaasna ay abuuranto nacayb aan la aqoon halka uu ku dambayn karo.

Soojeedintaanu waa mid loo codayn doono, waxaana u codaynaya baarlamaanka EU iyo wadamada xubnaha ka ah. Waxaa lasaadaalinayaa in loo codayn doona maadaama Ylva Johansson ay horay uga soo dhaadhicisay inta arintaanu khuseyso. Soojeedintaanu waxay ka koobantahay laba qodob, hase yeeshee marka laysku soo xooriyo waxay leedahay ajnabigow jooga gurigiina/wadankiina, hadii aadan haysan wax cad oo lagugu siiyo qaxootinimo waxa si dhaqsaa laguugu celin wadankaagii.

Labada qodob ee lasoo jeediyey waxaa midka hore leeyahay: waa in wadamada laajiyiinta/qaxootiga badan ka imaanayaan iyo kuwa ay soo marayaan dhaqaale lagu caawiyaa si dadkaas dhulkooda loogu hayo. Qodobka labaadna wuxuu leeyahay waa in xuduuda EU:da la adkeeyaa si aysan u soo galin dadka ka imaanaya wadamada EU:da ka baxsan. Sidoo kale qofka aan loo ogolayn sharci qaxootinimo waa in 12 todobaad gudohood loogu celiyaa wadankiisii, ama waa in isla markiiba dib loo celiyaa hadii loo arko inuusan qofkaasu sharci qaxootinimo helayn.

W/T: Badhawe Aden Hussein

https://www.aftonbladet.se/nyheter/kolumnister/a/dld0jo/eus-besked-till-flyktingarna-stanna-helst-hemma

Lämna ett svar

Din e-postadress kommer inte publiceras. Obligatoriska fält är märkta *