GALKACYO WAA NABAD

GALKACYO WAA NABAD

Galkacyo waa magalo kamid ah magaloyinka ugu qadiimisan ee kuyaala gayiga somalidu dagto, waa magalo barkulan u ah qarirada sida todobbada usamaysan ee somaliyo. Galkacyo waxay kutaala goob muhiim u ah bulsho waynta somaliya, afarta jaho waa kala xiga jigjiga 750 km, Muqdisho 750km, Bossaasso 750km, Hargaysa 750 km.

Waa magalo xadud goboleedyada lawadagta gobolada nugaal iyo galgadud .

Galkacyo waxay soosaartay rag iyo dumar badan o tariikhda somalida iyo tan geeska africaba magac iyo Taariikh kuleh. Burburkii dowladi somaliyed galkacyo waxay kamid ahayd meesha ugu saamaynta badan ee uu ka dhacay dagalkii sokeeye, dagaalkaas oo saameeyay bulshada somaliyed naf iyo maalba .

Magalada waxa wada dagah dad somaliyed oo Muslimiin, Somali ah, waliba suni ah, dagaalka qabiilka iyo aanooyinka ku salaysan galkacyo waxay ka dhigtay magaalo kadanbaysa magaloyinka kale ee Somaliya.

Sanadihi udanbeyay gobolka waxa kadhacay dagalo ay ku nafweyen boqolal dhalinyaro Somaliyed ah, waxa ay ku dhinteena maanta qof macnayn karaa uusan jirin.

MANTA IYO GALKACYO

Inkasto oo ay galkacyo somartay dhibatoyin iyo dagaalo sokeye oo sanado soo jiitamayay manta waxa laga daremaya xasilooni, dadku waxay ku cawaynayaan gobobaha lugu shekaysto sida meherada, hotelada. Waqtiyada shaqada iyo gobaha ganacsiga ayaa furan ilaa sacadaha loogu talagalay iney furnaadaan.

Magalada dhismayaal kala duwan, kala heersareeya, kala qurux badan ayaa kasocda, dhismaha kabayaasha dhaqalaha sida lamiyada ayaa aad ugu soo badanayah, magalada

goobaha waxbarashada, kuwa cafmadka, kuwa dalxiiska iyo gobaha Ganacsiga ayaa ah kuwa ayaguna si xowli ah kusocda .

Isbadal dhanka bulshada ayaa laga dareemayaa magalada. Sanadaha soosocda sida ay hada kasocoto haday kusii socoto magalada waxay birtilmamed unoqodontaa boqolaal ganacsadyaal Somaliyed ah iyo dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshada.

Galkacyo waxay ubahantahay insaro looqado heerka wacyi galinta barashada aqonta sida diinta Islaamka iyo maadigaba si bulshadu ula jaanqaado isbadalka xowligaa ee magaladu ku socoto.

Isbadala soosocda ee laga sadalinkaro inay ka dhicikaran mustaqbalka dhow waa kobaca dhaqala, waxbarashada cafmadka iyo dhismaha magalada Galkacyo. Galkacyo waxay leedahay dhalinyaro hadii si dhaba looga faaidaysto muruqooda iyo maskaxdoda wax fican soo saarikarah, waxaa kajirah ururo dhalinyaro oo isku xiran kuwas oo ubahan dhirigalin iyo garab qabasho dhaba si ay ugaaran hamigooda garka ah iyo hamigoda guudba

Galkacyo waxay ubahantahay muxaadirooyin diini ah iyo doodo cilmiyaysan, kuwaas oo ku salaysan dhaqanka suban ee Islaamka, kuwaas oo ah dadka waxbartay, aqonyahanka, waxgaradka iyo dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan ay qayb kanoqdan, si aysan magalada dhibkii naga garay aysan dib ugu laban dagaladi sokoye, horayna ugu socoto lana jaanqaado magaloyinka Kale ee Somalidu dagto, tartanna kalagasho magaalooyinka kale sida waxbarashada, cafmadka dhaqalaha .

Galkacyo waxay ubahantahay in lugu casumo culumada mashaaikhda, aqonyahanka, madax dhaqamedka wadanka oo dhan, si Somaliya  kor loogu qaado fahanka bulshada ee nabada, lana sii xoojiyo nabada. Nabada bilowga fican ah ee galkacyo kahana qaday waa in loo sameeyo doodo cilmiyaysan, kuwa faaido iyo dhaxan gal u ah bulshada, dhamanna bulshada ujihayn karah dhanka nabada iyo hormarka. Xafladaan looga hadlayey nabadaynta Galkacyo waxaa qayb libaax ka qaatay, soona diyaariyey Abdifitah Artan (Wayo Arag).

Galkacyo waxaan allihii weynaa uga baryeynaa inuu nabad taama u keeno, bulshada ku noolna nabad waarta ka dhex abuura.

w/Q: Dr Dahir Aden Hussein

#Gaalkacyo Maanta waxaa lagu qabtay maalinta nabada aduunka Duqa Degmada Gaalkacyo Saahid Maxamuud Cali Duqa Degmada…

Slået op af Abdullahi YareMandag den 21. september 2020

Lämna ett svar

Din e-postadress kommer inte publiceras. Obligatoriska fält är märkta *