Geedi socodka nabadaynta iyo horumarka Gobolka Mudug

Gobolka Mudug

Asc; Geedi socodka nabadaynta iyo horumarka gobolka mudug ayaa sanadihii ugu dambeeyey u ekaa mid bulshada ku nool gobolkaas ay ku dadaalayaan iney ka mira dhaliyaan si iyaga iyo ubad kooda soo koraya ay ugu noolaadan nabad iyo barwaaqo.

Bulshadii ku saleysa horumarka nabada iyo nolosha ubadka soo koraya, ee ka fogaada daneysiga iyo maalintaas ka faaideysigeeda ayaa gaari karta horumarka umad walba ku taamayso.Gobolka mudug oo ah meel colaadu ragaadisey ayaa moodaa iney garteen danta iyaga iyo mustaqbalka caruurtooda.Waxaan alle uga baryeynaa iney ku guulaystaan dadaalkaas ay ku raadinayaa nabada iyo horumarka umadooda.

Shaqadaas lagu hormarinayo nabada iyo isfahamka bulshooyinka ku nool gobolkaas ayaa la rabaa in dibad iyo gudaba laga qayb qaato, waxaana bisha August kowdeedii isugu yimid qayb kamida bulshada gobolka dagta oo u gogol xaaraya shirweyne wada tashi oo lagu qabto wadamada dibada bulshada ku nool ee gobolka mudug kasoo jeeda.

Shirkaas loogu gogol xaarayey wada tashi iyo shirweyne loo qabto bulshada kasoo jeeda gobolka mudug waxaa kasoo qayb galay Generaal Cabdicasiis Cabdi Cabullahi, loona yaqaan Generaal Qooje Dagaari, hadana ah Generaalka haysta ciidamada Danab ee dowlada federaalka Somalia.waxaa kaloo isna kasoo qayb galay Duqii hore ee magaalada Gaalkacyo Mohamud Yasin Tumey, sidoo kale waxaa goobta joogay saraakiil ay kamid ahaayeen Abshir Shiilaale iyo Cali dhabancad, Mohamud Gabal waxgarad kala gadisan.

W/Q : Badhawe Aden Hussein

Lämna ett svar

E-postadressen publiceras inte. Obligatoriska fält är märkta *