Wasiirka wasaarada waxbaaarashada ee Puntland Mudane Abdullahi Mohamed Hassan

Asc

Wasiirka wasaarada waxbaaarashada ee Puntland Mudane Abdullahi Mohamed Hassan ayaa kormeer shaqo ku jooga qaarada Yurub (Europe). Mudane Abdullahi ayaa kormeerkiisa shaqo kusoo gaaray wadanka Sweden. Wasiirka ayaa magaalada Gothenburg ee dalka sweden wuxuu shirar kala duwan kula qaatay jaaliyadaha Puntland ee ka dhisan magaalada Gothenburg.

Wasiir Abdullahi ayaa hadalo qiimo leh ka jeediyey goobtii laysugu yimid, hadaladaas oo dareen iyo qiiraba galisay bulshadii fadhiga kasoo qayb gashay. Mudane wasiir Abdullahi oo ay hadaladiisa ka dhex muuqatay aqoonta waxbarasho oo uu leeyahay iyo sida uu socdaalo kala duwan ugu bixiyey dhulka Puntland ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey meesha waxbarashada Puntland ay maanta mareyso, baahida waxbarasho ee ka jirta dhulkaas, sida loogu baahanyahay in qurabo-joogtu ay ka qaybqaadato horumarinta waxbarashada Puntland. Murtida hadalada wasiir Abdullahi ee waxbarashada marka lasoo koobo waxay lamid tahay tii uu ka tagay Duncarbeed: gudin daab la,aantii- miyey doggobo goysaa? diric kali ahaantii-daleel guusha kuma helo? war dadoow dadkaa geesi lagu yahay. Wasiirka ayaa bulshada ku bogaadiyey iney ubadka soo koraya sidii wax lagu bari lahaa ka qayb qaataan.

Qore: Badhawe Aden

Lämna ett svar

Din e-postadress kommer inte publiceras. Obligatoriska fält är märkta *