Inagoo wada dhan” oo reer Mudug ah

Asc. Burburkii dagaalkii sokeeye ee dalka Somalia wuxuu ku reebay Gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Galkacyo dhibaatooyin kala duwan, salkana ku haya mid qabiil, mid dhul balaarsi , mid argagixiso iyo mid siyaasadeedba. 2017 kii waxaa bilowday nabadayn uu horseed ka ahaa Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ah Issimka gobolka Mudug, waxaa nabadayntaas Islaan Bashiir ku weheliyey Suldaanka guud ee beesha Sacad, Suldaan Cabdinasir Jaamac Seed. Waxaa kaloo ka mid ahaa nabadaynta Gobolka Mudug Generaal Cabdiwali Jaamac Gorod oo ah nin jecel in reer Mudug nabad ku midoobo. Islaan Bashiir oo ku guulaystay dhagax dhigiisii dakada Garacad, ma laga yaabaa in iyadana rabi guuleeyo isaga iyo bulshada reer Mudug dhagax dhigii nabadaynta magaalada Galkacyo?

Madaxweynaha  puntland Saciid Cabdullaahi Dani ayaa 2020 u soo diray ciidan uu hogaaminayo Generaal Muumin Cabdi Shire magaalada Galkacyo markii nabadii Gobolka Mudug laga bilaabay 2017 ay istaagtay, iyadoo ay sabab u ahayd Maamulkii Madaxweyne Cabdiwali Cali Gaas oo ka gaabiyey masuuliyadii loo igmaday. Waxaa arintaas ka faaidaystay ururada argagixisada oo magaalada dad badan ku laayey. Maamulka Puntland oo wakiil ka yahay wasiirka arimaha gudaha Maxamad dhabancad, maamulka Galmudug oo iyadana wakiil ka yahay wasiirka amniga Axmad Macalin Fiqi iyo ciidamadooda amniga ee labada dhinac ayaa laga soo sheegayaa iney go,aan ku gaareen in magaalada Galkacyo nabadgalyadeeda si wada jir ah loo sugo, lana horumariyo Gobolka Mudug..

Hadaba waxaa muhiim ah ineynu macneyno ”Horumar  (Development), umad walba waxay leedahay aragti (ideology) lagu saleeyo meesha ay dagantahay, dhaqanka ay haysato, iyo saadaasha fikirka(vision) ay hiigsaneyso. Bulshada hadii la su,aalo maxay tahay horumar: qaar baa ku jawaabin waa dhaqaalaha wadanka, waxbarashada, inta qof oo wax akhrin karta iyo inta qofka noloshiisu gaarto (life expectancy).

 Kuwa kale ayaa oronaya horumarku waa dadkoo koronto guriga ku haysta, biyo nadiifa oo qof walba helo, cunto ku filan iyo korontaduu ku karsan lahaa oo qofwalba helo.  Kuwa kale ayaa yiri, waar horumarku waa demoqraadiyada oo laqaato, caafimaadka oo kor loo qaado iyo sinaanta iyo iyo cadaalada oo lagu dhaqmo. Kuwa kale ayaa yiri, horumarku waa faqriga oo la tirtiro iyo dadka oo xornimo aan xad lahayn lasiiyo si qofku u gaaro horumar jireed iyo mid maskaxeed.  Akhristow bal adiguna maxaad ku macnaysay ”horumar?

 Horumarka aragtiyaashiisa kala duwan waxay ka siman yihiin, waa in ay jirto yool uu leeyahay horumarku inuu gaaro, yoolkaas oo nolosha qofka hagaajinaysa dhinaca jireed iyo midka ruuxigaaba. Yoolkaasu waa inuu yahay midey bulshada hada jirtaa ku qanci karaan, ubadka soo socdana dantoodu ku jirto. Hadaba sidee bulshada ku nool gobolka Mudug u helikaraan qaab siyaasadeed oo ay dadkooda uga saari karaan dhibta soo jireenka ah ee horumarkeeda ragaadisay? Maka fakareen hawlwadeenadu dhibaatooyinka ka horimaankara hawshaan bilaabatay? Si cilmiyeysan hawl wadeenadu ma u dajiyeen tilaabooyin (Road Map) waqti leh oo hadba meesha ay ku talagaleen iney gaarsiiyaan hor usocodkooda ka dheehan karaan? Hadii hawsha ka bilaabatay Mudug ay tahay ”inagoo wada dhan” oo reer Mudug ah waa guul.

Q: Badhawe (Abdulgadir) Aden Hussein

Lämna ett svar

E-postadressen publiceras inte. Obligatoriska fält är märkta *