5. Hogaanka bulshadu ay soo doorato maxay isula shaqayn wayaan markasta? Qaybtii 5.aad

Calanka Somalai

Hogaanka bulshadu ay soo doorato maxay isula shaqayn wayaan markasta? Qaybtii 5.

Badhawe Aden File

waa qaybtii shanaad (5) uguna dambeysay oo aanu kaga hadlayno wacyiga maanta yaal Somalia. Waxaynu kasoo hadalnay dowladaha waawayn iyo saamaynta ay ku leeyihiin gayiga Somalia, waxaynu tilmaanay dowladaha dariska rabitaakooda ku aadan Somalia iyo awoodoodu inta ay le,egtahay. Waxaynu soo sheegnay arimaha ay ka midyihiin wada shaqaynta dowlada federaalka iyo maamul goboleedyada, sidoo kale waxaynu wax ka qornay dastuurka iyo muhiimada uu u leeyahay dowlada, sidoo kale waxaan iyana cabiraad ka bixinay bulshada rayidkaa doorka ay ku leedahay horumarinta iyo geedi socodka dowladnimo.

Qodobkaan ugu dambeeya waxaynu ku eegaynaa hogaanka bulshada Somaaliyeed  soo doorato caqabadaha ka horyimaada ee sababta iney isla shaqayn waayaan. Marka laga hadlayo hogaanka wadanka, waxaa bulshadu ka sugaysaa hogaankaas wixii lagu heshiiyey horaanba inuu raaco, oo maxay tahay waxa lagu heshiiyey: waa dastuurkii lawada qortay ee loo qoratay in qofkasta raaco. Hadaba hadii dastuurku uusan jirin ama qabyo yahay ama qaab eexasho ku jirto waxaa hubaal ah in isqabqabsi imaanayo. Dastuurkaas waxa ugu muhiimsan ee ku qoran waa iney yihiin yaa dadka u xaqsooraya, waxaa laga hadlayaa garsoorkii oo ay ugu muhiimsantahay maxkamadii ugu sareysay. Hadii aan garsoorka salka loo dhigin, oo aan garsoorka madax banaani cad lasiinin waxaa imaan isku dhac.

Marka laga hadlayo hogaanka wadan yeelanayo wuxuu noqon kara mid demoqraadiya oo dadku cod ku kala baxo, wuxuu noqon karaa mid boqortooyo oo hogaanku dhaxal ama isbadal yahay, ama wuxuu noqon karaa mid kaligi talis. Hogaanka Somalia u soo baxaa intaas midna maaha, waxa uu yahay waa lawada ogyahay. Waxyaalaha lagu doorto hogaanka wanaagsan waxaa kamida:- in qofku leeyahay aqoon maamul oo wadata ogaansha waxa dowlada curyaamin kara sida musuqmaasuqa,- inuu qofku yahay wadani (Nationalist) ka soo dhexmuuqday bulshada uu ku dhexnool yahay, wadanimadaasuna aysan ahayn mid dhayala, khaladaadka ka yimaada wadaniga dowladiisa waa mid sabab yeelan karta ee maaha mid ula kaca ,- inuu qofku yahay kaligi talis aan ku wanaagsanayn xuquuqda qofka laakiin dowladiisu muujiso horumarka wadanka, nabadgalyada bulshada, dadkuna ku ogolaado heerka dhaqaale ee uu wadanka gaarsiiyo.

Hadaba hogaamiyayaasha Somalia ama ha noqdeen kuwa federaalka ama ha noqdeen kuwa maamul goboleedyada maxaa la gudboon marka ay ogyihiin in dastuurku qabyo yahay, marka bulshada ay maamulayaan mabda,oodu qabiil yahay, marka dhaqaalaha wadanku ku socdo qayb libaax deeq umada kale baxsheen taas oo saamaynteeda leh, marka iimaankii lagu yaqiinay bulshada Somalia ay meeshii ka baxday, marka sadbursigu yahay mid lagu faano, dhaca buslshada, masaakiinta iyo agoonta xoolaheeda in la dhaco ay faan noqotay, sow intaas oo arimood iyo in kabadan keeni mayso in madaxdu isku dhacdo, su,aasho waa sidee looga bixi karaa? akhristow maxaad ka tiri sida looga bixi karo dhibtaas.

Lämna ett svar

E-postadressen publiceras inte. Obligatoriska fält är märkta *