Bulshada rayidkaa dowr intee le,eg (xumaan iyo samaan) bay ku leeyihiin dhibta maanta ka jirta dhulka Somalia iyo horumar la,aanta curyaamisay wadanka?

Calanka Somalia

Bulshada rayidkaa dowr intee le,eg (xumaan iyo samaan) bay ku leeyihiin dhibta maanta ka jirta dhulka Somalia iyo horumar la,aanta curyaamisay wadanka? Qaybtii 4

Bulsha kasta waxay ku leedahay  dowlada xuquuq dawladeed, oo ah dowladu waa iney sugtaa amaanka qofkasta oo  muwaadina, waana iney ilaalisaa xuquuqda qofkasta oo ku nool xayndaabka ay xukunto. Qofka muwaadinkaa waxaa laga rabaa inuu ilaaliyo xuquuqda qofka kale, waana in laga nabad galaa afkiisa iyo adinkiisa. Qofka iyo bulshaduba guud ahaanba waa iney sharciga u hogaansamaan. Hadii aan bulshadu ilaalin dastuurka horumar lama gaarayo. Qisadaan yartaa bal u fiirso: ilmaha ku dhashay wadamada horumaray, laakiin aabayaashood ka yimaadeen wadamada soo koraya, gaar ahaan Carabta iyo Afrika markii ay arkaan ilmahaasu waaridkood oo wax wasakha ku tuuraya jidka waxay ku leeyihiin waaridkood aabe ama hooyo haku tuurin qashinka wadada, waa taas meeshii lagu ridi lahaaye, waxayna ilmuhu sameeyaan iney isla markiiba la ordaan oo qashinka ku ridaan meeshii loogu talagay. Bal barbardhig kuwaan:

Waxaa mudo dhowr todobaad laga joogo ka dhacday magaalada Galkacyo qiso ku tusaysa sida dadka magaaladaas ku nool ay uga fogtahay iney fahmaan dowlad iyo waxa bulshada waajib ku ah iney fuliyaan si dowlad shaqaysa loo helo. Wxaa dhacay in koox maxkamad la saarayo qabiilkoodii ay hub soo qaateen, eedaysanayaashiina maxkamada kala baxaan. Waxaa jira nidaam qaramada midoobay ku heshiiyey oo oranaya: masaajidka, kaniisada iyo safaaradaha amar la,aan xataa dowladu ma gali karto. Waxaa laga yaabaa in lagu xadgudbo madaxtooyada, xarunta Baarlamaanka iyo meela kale, in maxkamada oo ah meeshii loogu talagalay in cadaalad lagu kala boxo la weeraro waa mid aan marna la qaadan karin.

Waxaa iyana taas mid u dhow ka soo ifbaxayaan magaalada Bossaasso, sidee ku imaan kartaa in hub iyo ciidan lala soo galo magaalada iyadoo lagu andacoonayo waxbaa tabaneynaa, hadana ogooweey dowlad baan rabnaa bey dadkaasu ku hadaaqayaan. Hadii qof ama reer wax tabanayo waxaa u banaan labo mid: iney ka tanaasulaan waxay rabeen iyo iney wadahadal aan waqti lahayn dowlada iyo bulshada kalaba la galaan. Waa sida aduunyada horumartay nabad iyo barwaaqo ku gaareen. Waa maxay umadaan Somaliyeed waxay qoriga ula haarayaan markii arin culus timaado, maxay kaga gadisanyihiin umadaha kale, maxaa keenay wiilka reer Europe ee soo koraya in aabihiis u tanaasulo wax kasta si wiilkaasu uu keeyeesho mustaqbal,  halka aabha Somaliyeedna wuxuu cuno maalintaas uga doorbiday danta ubadka soo koraya?.

Dhankaa iyo Somaliland markii la milicsado, Madaxweyne Muse Bihi hadii inyar oo damiir ah uu leeyahay, hadii uu Diinta Islaamka wax ka garanayo, hadii uu Danta umada Somaliyeed in yar u damqanayo, hadii Dalka Somalia helidiisa inyar uu ka garanaayo, waxaa la gudboon inuu wax garadka isugu yeero, aayaha gobolkaasna iyaga u daayo, isna oday ka noqdo. Bulshada gobolkaas ku noolna waxaan dhihi lahaa waa iney meel fog oo ku dhisan qadiyad islam, mid Somaliyeed iyo mid jiritaanka ubadka soo koraya ee Somaliyeed u fakaraan.

Marka si guud loo cabiro umada/bulshada Somaliyeed, waa dad rumaysan diinta islaamka, Laakiin Islam baan haystaa kumana dhaqmayo, dastuurkii la qoratana ma raacayo waa arin bulshada Somaaliyeed  laga rabo iney ka gudbaan, una daneeyaan ubadka soo koraya.

Lämna ett svar

E-postadressen publiceras inte. Obligatoriska fält är märkta *