Maxaa hortaagan dowlad federal ah oo ka hanaqaada gayiga Somalia? Qaybtii labaad (2)

Calanka Somalia

Badhawe Aden File

2. Dowlada federaalkaa waa noocee, maxay isula shaqayn waa yeen maamulada?

Waa maxay federaaliism? tan ugu muhiimsan ee lagu macneeyo federaaliism waa qaybsiga awooda maamul ee maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe ee federaalka. federaaliisimka waxaa tiir dhexaad u ah dastuur qoran oo la raaco, kalana qeexya awooda federaalka iyo maamul goboleedyada iyo hay,adaha dowlada oo loo dajiyo qaabka ay ku shaqaynayaan.

Waa nidaam ku dhisan go,aan ku dhisan wada shaqayn, wada shaqayntaasu waxay keentaa in mar dowladu federaalku yool ay lahayd iska dayso, sidoo kalana ay dowladaha federaalku u samraan dowlada federaalka si go,aan midaysan loo gaaro. Sababta ugu wayn ee keenaysa khilaafka maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe, ama xukuumada dhexdeeda maxay tahay? waa midaan akhristaha u daynayo, balse aan xasuusiyo akhristaha, dowlad federaal ah oo aan lahayn maxkamad sare ee dastuur oo waliba madaxbanaan oo kala saarta caqabadah ku yimaada hay,adaha dowligaa masuuroobi kartaa? masalo u baahan in aayad quraana lagu kala saaro anaa iri xal ma u noqon karaa? jawaabtu waa maya.

Kasoo qaad dad badan baa waxay isla dhexmarayaan , doorashada dowlada federaalku madhacaysaa? Hadii maxkamad federaal ah oo lagu kala baxayo ay jirto, kana jawaabi karta su,aashaa iyadoo raacaysa dastuurka federaalka, dadku kama walwaleen doorashadu ma dhacaysaa mise madhacayso, dowladaha horay u marayna dadkoodu hamigaba uguma jiro.

Umada Somaliyeed waxay arkayeen wixii soo maray oo doorashada ku saabsan, waxa hada maamul goboleedka Somaliland ka dhacaya, sidaas darteed miyeysan haboonayn xukuumada federaalu, gaar,ahaan madaxwayne Mohamed Abdullahi Farmaajo inuu bayaan madaxwayne oo bilaa bulshada u soo jeediyo, uga waramo xaaladu meeshay marayso, doorashada iyo wixii laxiriira. Umada Somaliyed waxay ka midtahay bulshada looyaqaan ”Oral Society” oo macnaheedu yahay waa in si toosa oo aan qoraal ahan loogu waramaa, cilmiga bulshaduna wuxuu leeyahay , markaad bulshada u warantid waxay la midtahay adoo maamulkii wax ka siiyey.

Hogaamiyaha ugu wanaagsan waxaa aqoonyahano badan isku raacsanyihiin waa kii bulshada uga taga xishood iyo akhlaaq (Moral and Ethics), taasaa waxay abuuraysaa isku tiirsanaan, tuugada iyo xoolaha umada oo ladhacayo in laga xishoodu, dilka alla ka fogaansha haa iyo beentu inay yaraato. Hada waxaa jira maamulo, kuwa lasamaynayo, qodobka ugu wayn oo bulshadu ka cabaneyso waa dhaca xoolaha iyo maalka bulshada Somaliyeed ka dhexeeya, waxaana lagu andacoonayaa waxaa saldhiga u ah khilaafkaan bulshadu isugu imaan la,adahay, waa iyadoo nin walba rabo inuu wax dhaco.

Lämna ett svar

E-postadressen publiceras inte. Obligatoriska fält är märkta *