Bilowgii Fadhigii Khadar(Qatar) Qaybtii 4 aad, Pakistan

Bilowgii Fadhigii Khadar(Qatar) Qaybtii 4 aad

خلافة إسلامية

/الخلافة العثمانية

Badhawe Aden File

Asc

Pakistan ( Islamiska republiken Pakistan) waa wadan ka tirsanaan jiray wadanka India, sida aad ku aragtaan magaca: Islamiska republiken of Pakistan, Pakistaan waa wadan ka gadisan wadamada caalamka Islaamka marka laga eego sida uu ku aasaasmay, waa wadanka kaliya ee ku dhismay aragtida iyo qaadashada diinta Islaamka, hadii aynu si kale u dhigno markii uu ka go,ay wadanka India wuxuu uga go,ay in Pakistaan ay tahay wadan diinta Islaamka haysta.

Wadanka Pakistan waxay diinta Islaamku soo gaartay markii uu la wareegay hogaamiye lagu magacaabi jiray Mohamed Ibn Qasim 711 e.c, oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii Islaamka. Qarnigii 1800 e.c waxaa qabsaday wadanka India boqortooyadii Ingiriiska, waxayna India ka xorowday wadanka Ingiriiska 1947 e.c. Markii wadanka India ka xoroobay Ingiriiska, wuxuu wadanku u kala qaybsanaa labo qaybood oo midna diinta Hinduugu ku badnayd, midna diinta Islaamku ku badnayd. Waxaa 1947 dhismay laba wadan oo mina yahay India, midna yahay Pakistan.

Hogaankii Pakistan waxaa qabtay 1947 Mohamed Ali Jinnah, oo horay u ahaa gudoomiyaha qaybta ay Muslimiintu ku badnayd ee pakistan. Khilaaf aad u balaaran ayaa ka dhex bilowday India iyo Pakistan, waxaana labada dhinac u kala qaxay dad lagu qiyaaso 15 iyo toban(15 miljan) miljan, qaxaas oo ku salaysnaa labada diimood oo lakala haysto. Ismarin waaga ugu wayn wuxuu ahaa gobolka layiraahdo Kashmiir oo u badan Muslimiinta, gobolkaas oo qaybuna ka mid tahay India , qaybuna ka mid tahay Pakistan ilaa hada. Pakistan markii ay xornimada qaadatay waxay ka mid noqotay wadamada ku bohoobay dhaqaalaha ee Ingiriisku hogaamiyo, loona yaqaan ”Common Wealth, waxayna Pakistan kabaxday ururkaas 1956 inksta oo ay dib ugu soo noqotay ka dib, dhowr jeer oo kalana kabaxday, laakiin hada ay ka midtahay

 Wadanka Bangladesh hada loo yaqaan wuxuu la midoobay Pakistan markii ay xornimada qaateen, laakiin khilaaf siyaasadeed, mid maamul xumo ka timid dhinaca Pakistan, isku dir ay ka dambeeyeen dawlado kale iyo iyaga oo wadanka India dhexdooda ku yaal waxay kala go,een taariikhdu markay ahayd 1971. Bangladesh waa wadan yar , laakiin tiro ahaan waxaa ku nool dad gaaraya 170 miljan, waa wadan dhulkiisu uu hodan ku yahay xaga beeraha, inkasta oo ay duufaano iyo roobab badan ay saamayn xaga beeritaanka ku hayaan, meesha Pakistan ku dhawdahay 200 oo miljan. Pakistan waxay xuduud la leedahay Iran, Afganistan, India iyo wadanka Kina oo ay mudo dheer saaxiibo ahaayeen, hadana ay ka dhaxayso wada shaqayn dhinac kastaa, taas oo horumar wayn ee xaga dhaqaalahaa Pakistan u suuro galisay.

Pakistan waxay kale oo uga gadisantahay caalamka Islaamka Intiisa kale, waa wadanka kaliya ee Islaamkaa ee leh hubka wax gumaada ee loo yaqaan Nuclear ka. Sidoo kale India ayaa iyaduna leh hubka wax gumaada, waxaa aduunku aad uga walwalayaa labadaas wadan ee khilaafka adagu ka dhexeeyo, dhowr jeerna dagaalo dhexmareen iney hubkaas isu isticmaalaan. Inkasta oo Pakistan ay xaga farsamada casrigaa aad ugu horayso, hadana marna khilaaf gudaheedaa kama bixin. dhowr jeer baa cinqilaabyo ka dheceen, siyaasiin badan baa la laayey, khilaaf diineed oo adag baa dhexyaal oo curyaamiyey horumarkii wadanka dhan kasta. Waxaa kiinuhu ku tala jiraa inuu Pakistaan ka dhiso dakada ugu wayn aduunka ee ku taal xeebta Indian Ocean ee cabir ahaan si toosa ugu taal bariga magaalada Garacad ee maamul goboleedka Puntland, taas oo aan qiyaasayo haday hirgasho iney saamayn wayn ku yeelan doonto guud ahaan Somalia, gaar ahaan magaalada Garacad ee dhulka Puntland, Somalia. Intaas waxaa inoogu dhamaaday silsiladii Bilowgii Fadhigii Khadar(Qatar).

Bilowgii Fadhigii Khadar(Qatar) Qaybtii 3 xaad

Turky

خلافة إسلامية

/الخلافة العثمانية

Bilowgii Fadhigii Khadar(Qatar) Qaybtii 3 xaad

Badhawe Aden File

Turky waa wadan u dhexeeya qaarada Europe iyo Asia, wuxuuna xuduud la leeyahay sideed (8) wadan oo kala ah: Bulgarian, Grekland, Georgien, Armenien, Azerbajan, Iran, Irak and Syria. Wadanka Turkigu waa wadan taariikh muhiima u leh umadda Islaamka iyo Wadamada diinta masiixigaa haysta. Taariikhda Turkiga halkaan laguma soo koobi karo, laakiin waxaynu kasoo qaadaneynaa inta muhiimkaa. Muddo laga joogo 500 oo sano kahor inta aan diintii nabi ciise soo bixin ayaa waxaa biloday boqortooyadii Rooma. Diinta masiixigu waxay ku fiday wadama badan oo ay kamid ahayd Wadanka Balistiin, waana meeshii ugu horaysay oo boqortooyadii Roomanku u ogolaadaan iney diintooda u madax banaanaadaan. Nabi ciise waxaa allahii weynaa oofsaday markay diinta masiixigu jirtay 33 sano.

Wadanka Talyaaniga caasumadiisa oo ahayd meeshii ugu waynayd ee laga maamulayey boqortooyadii Roomanka waxaa ka bilowday khilaaf laxalin waayey, waxayna horseeday in boqorkii Konstantiin uu uguuro caasumadii labaad oo ahayd konstantinopel (Istanbul) ee hada loo yaqaan Istanbul 330 e.c. kadib bilowgii diinta masiixiga. Taariikhdu markay ahayd 600 e.c waxaa bilowday diinta Islamka oo ku fiday wadamo badan waxaana kamid ahaa wadanka Turkiga oo markaas ahaa xaruntii boqortooyada roomanka, maadaama caasumadii room khilaaf saameeyey, caasumaduna waxay ahayd konstantinopel (Istanbul) ee hada loo yaqaan Istanbul. Dhacdo aan la ilaawi karin waxaa noqotay markii xukuumadii Islaamku la wareegtay wadanka Turki, gaar ahaan caasumadii konstantinopel 1453. Magaaladaas istanbul waxaa ku yaala kaniisada loo yaqaan Hagia Sofia. Kaniisadaas waxaa la dhisay markay taariikhdu ahayd 532 e.c, waxayna dadka masiixigaa ula mid tahay meesha masjidka wayn ee Qudus uu u joogo umadda Islaamka. Markii Islaamku la wareegay Istanbul waxaa kaniisadii laga dhigay masaajid, laakiin markii dadkii masiixiga ahaa ka samri waayeen iyo siyaasado awgeed waxaa loo badaley muusiyuum (Museum)1934. Qabsashadii Turkigu waxay horseeday in 1550 ay hogaanka Islaamka la wareegaan maamulkii loo yaqaanay ismaaniyiinta, kuwaas oo maamulayey caalamkii Islaamka ilaa iyo 1923. Wadamadii ay ka mid ahaayeen ingiriiska, Russia iyo Fransiisku waxay kala qaybsadeen wadamadii Islaamka, waxaana laysku diray xukuumadii Turkiga iyo wadamadii kale ee caalamka Islaamka.

1913 waxaa wadanka Turkiga ka dhacay cinqilaab, awoodii dawladnimana waxaa la wareegay koox saraakill ahayd, halkaas oo laga xayuubiyey boqorkii awoodiisii. Waxay ahayd dhacdo xanuun badan maadaama uu boqorku astaan u ahaa wada jirkii umadda Islaamka. Turkiet waa wadan dhinaca farsamada casrigaa aad ugu horeeya inkastoo uusan lahayn hubka wax gumaada ee loo yaqaan Nukliyeer (Nuclear).

Bilowgii Fadhigii Khadar(Qatar) Qaybtii 2 (labaad)

Malaysia

خلافة إسلامية

/الخلافة العثمانية

Bilowgii Fadhigii Khadar(Qatar) Qaybtii 2 labaad

Badhawe Aden File      

Nin ka tirsanaa xukuumadii  ingiriiska ee qabsatay dhulkii loo yaqaaney khilaafadii Islaamka ama khilaafadii cismaaniyiinta ayaa waxaa laweydiiyey sidee ku qabsateen, ugana adkaateen xukuumadadii cismaaniyiinta ee awooda badnayd? wuxuu ku jawaabay waxaan baranay afkoodii, iyo dhaqankoodii, dabadeed waxaa sahal noo noqtay inaan barano siday u fakaraan. Waxaa ku xigtay lawareegii dhulkii caalamka Islaamka.

Waxaa wadanka Qatar maalmahaan ku sugnaa madaxweynaha dalka Turkiga, wararka ka imaanaya Doha ee caasimada wadan Qatar ayaa oronaya in Turkigu layimid hindisaha ah in afar wadan oo kala ah: Pakistan, Turkiga, Maleysia iyo Qatar ay samaystaan wada shaqayn xaga dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta bulshada. Aragtidaas oo loo fasiran karo soo noqoshadii xukuumadii Cismaania, taas oo dowlado badan wal-wal ku dhalin karta.

Malaysia iyo taariikhdeeda oo kooban

Waxaynu qaybtii koowaad kusoo qaadanay wadanka Qatar, qaybtan labaad waxaynu ku eegaynaa wadanka Malaysia ee ku yaala qaarada Asia. Malaysia waxay xuduud la leedahay afar wadan oo kala ah: Thailand, Singapore, Indonesien iyo Brunei. Malaysia waxay ka midtahay wadamada uu hogaamiyo Ingiriisku ee ku midoobay dhaqaalaha, loona yaqaan ” Common wealth”. Malaysia waxaa gumaysan jiray Ingiriiska, waxayna xornimadeeda qaadatay 1957.

Wadanka Malaysia waa boqortooyo federaal ah, laakiin awooda maamulka waxaa iska leh xukuumada raiisul wasaaraha. Sharciga ugu sareeya wadanka waa ”Islamic Sharcia inkasta oo sharciga madinigaa lagu dhaqo wadanka, maadaama wadanka ay ku nool yihiin bulsho kala gadisan oo ka kooban: Boqolkii 63 % Suni islam, 20% Buddism, 10% Masiixi, 6% Hindism, iyo umada kale.

Malaysia waxay ka mid tahay wadamada warshadaha leh, kuna hormaray wax soosaarka qalabka warshadaha, waxaana dhaqaalaha ugu badan uga yimadaa qalabka warshadaha ee ay u beec gayso aduunka. waxay ka mid tahay wadama yar ee kamida wadamada Islaamka ee dhinaca farsamada casrigaa aad ugu ceeldheer.

Fikirka Mr Erdogan ee midaynaya afartaa wadan ee aynu soo xusnay ayaa salka ku haya aragti dhaqaale, farsamo casriya iyo daganaansho siyaasadeed.

Bilowgii Fadhigii Khadar(Qatar)Qaybta koowaad

 

Calanka Khadar

خلافة إسلامية

/الخلافة العثمانية

Bilowgii Fadhigii Khadar(Qatar)

Badhawe Aden File      

Nin ka tirsanaa xukuumadii  ingiriiska ee qabsatay dhulkii loo yaqaaney khilaafadii Islaamka ama khilaafadii cismaaniyiinta ayaa waxaa laweydiiyey sidee ku qabsateen, ugana adkaateen xukuumadadii cismaaniyiinta ee awooda badnayd? wuxuu ku jawaabay waxaan baranay afkoodii, iyo dhaqankoodii, dabadeed waxaa sahal noo noqtay inaan barano siday u fakaraan. Waxaa ku xigtay lawareegii dhulkii caalamka Islaamka.

Waxaa wadanka Qatar maalmahaan ku sugnaa madaxweynaha dalka Turkiga, wararka ka imaanaya Doha ee caasimada wadan Qatar ayaa oronaya in Turkigu layimid hindisaha ah in afar wadan oo kala ah: Pakistan, Turkiga, Maleysia iyo Qatar ay samaystaan wada shaqayn xaga dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta bulshada. Aragtidaas oo loo fasiran karo soo noqoshadii xukuumadii Cismaania, taas oo dowlado badan wal-wal ku dhalin karta.

Qoraalkan waxaynu ku soo koobaynaa taariikhda wadanka Qatar oo katirsan isu taga wadamada carabta. Akhristaha qoraalkan baan u daynayaa su,aalaha iyo aragtida uu ka milicsan karo qadiyadaan afartaan wadan waxay aduunka/caalamka Islaamka ku soo kordhin karaan. Waxaynu sidaan oo kale ku soo qaadan doonaa Badhawe File sadexda wadan oo kale oo iyagu ka miisaan culus xagaawooda milatariga iyo tirada dadkaba.

Qatar iyo taariikhdeeda oo kooban

Qatar waxay kamid ahaan jirtay dhulkii boqortooyadii Persia (Iran) ka talin jirtay, waxay dabadeed ka midnoqotay wadamadii islaamku ku balaartay dabayaaqadii qarnigii 600 miilaadiyada, 1700 A.D waxa qatar qabsadey Bahrain, 1871 waxaa qatar lahoos keenay xukuumadii Cismaaniyiinta. 1916 waxaa qatar qabsadey ingriiska , 1971 waxay qatar lasoo noqotay xornomadeedii.

Qaatar waa wadan dherarkiisu yahay 160 kilometer. Qatar dhaqaalaheeda ugu wayn waa saliida (oljada). Qatar waxay xuduud la leedahay xaga dhulka Saudi_Arabia, xaga xeebta bada waxay xuduud la leedahay Bahrain. Qatar waa wadan boqolkii ba 90% wax ka badan Muslim ah, xukuumadu waa boqortooyo awoodeedu tahay gebi ahaan, waxaa jira baarlmaan lataliye u ah boqorka.