Wasiirka Maaliyada ee Puntland Hassan Shire oo soo gaaray Dalka Sweden

Asc

Wasiirka Maaliyada ee dowlad goboleedka Puntland Dr Hassan Shire Abdi ayaa hawl shaqo ku soo gaaray wadanka Sweden.,

 Dr Hassan ayaa la shiray  jaaliyada reer Puntland ee ka dhisan magaalada Gothenburg, halkaas oo wasiirka iyo bulshadii kale ay ku kala warqaateen.

Wasiirka ayaa ka warbixiyey hawlaha shaqo ee ka socda Puntland, sida nabadgalyada, dhaqaalaha iyo caafimaadka, iwm. Bulshadii halkaas isugu timid oo ay ka muuqatay sida ay ugu heelanayeen warka iyo wax qabadka Puntland ka socda ayaa su,aalo ooda uga qaaday wasiirka.

Wasiir Hassan oo khabiir ku ah sooyaalka siyaasadeed, dhaqaale iyo amniba ee maamul goboleedka Puntland maadaama uu Puntland u shaqaynayey ilaa iyo aasaaskii Puntland ayaa dadkii dhageysanayey wasiirka waxay u ekaayeen kuwo aad u milicsanayey warbixinta wasiir Hassan Shire.

Wasiirku markii uu dhameeyey warbixintii iyo ka jawaabidii suaalihii bulshadii uu la kulmay, wuxuu qada sharaf kooban la qaatay jaaliyadii, halkaas oo is marxabayn iyo ismaca-salaamayn isku dhaafsadeen. Dr Hassan ayaa kula dardaarmay bulshadii halkaas isugu timid in midnimada, jiritaanka iyo qarannimada Somalia laga wada shaqeeyo, in jaaliyada reer Puntland ee Sweden ka qayb qaadato horumarka iyo dhismaha Puntland.

Ugu dambayntii wasiirku wuxuu u mahadnaqay soo dhawayntii ay jaaliyada reer Gothenburg u sameeyeen.

Qaybta Wararka Barqamaal

Lämna ett svar

E-postadressen publiceras inte. Obligatoriska fält är märkta *