Puntland iyo rajada Somalia

Puntland iyo rajada Somalia

Calanka Somalia

Dawlad goboleedka Puntland ee dhulka Somalia waxay muujisay aragti qofka soomaaligaahu uu ku hamin karo umad soomaaliyeed oo dib u hanata nidaam ku dhisan sinaan, cadaalad iyo kala dambayn aasaas u noqda nabad iyo dawladnimo.

Maanta saadaasha siyaasadeed ee aduunku marka laga fiiriyo dhibaatooyinka muuqda waa mid wal-wal badan laga muujinayo, diyaar garowna loogu jiro, oraahduna tahay maxaa dhicidoona? Hadaba maxaa kamida waxyaalaha laga baqayo?

  • Cimilada aduunka oo si muuqata isu badaleysa, dhibaatana ku ah aadanaha.
  • Abaaro baahsan oo horseeda faqri, cimiladuna sabab u tahay
  • Dhul gariirka iyo daadadka oo si badanaya, dawladaha soo korayana si gaara u saamayneysa, maadaama jawaabta ay ka bixin karaan dhul gariirka ay koobantahay
  • Biyaha aduunka oo sii yaraanaya, taas oo keeni karta dawlado isku dhaca.
  • Dagaalada u dhaxeeya dawladaha iyo bulshada ku nool wadanka gudahiisa oo sii kordhaya, taas oo saamayn wayn ku yeelatay wadanka dariska la ah
  • Jirooyinka aduunka oo sii badanaya iyo daawo la,aanta dawladaha soo koraya.
  • Dhul balaarsiga oo noqday mid saamayn ku leh dhaqaalaha, siyaasada iyo amniga aragtida aduunka, halisna ku ah, gaar ahaan wadamada soo koraya sida Somalia, lagana walwalsanyahay iney keento wadamo khariidada ka baxa, laguna biiriyo wadan kale iyadoo loo fiirinayo arimahaas aan kor ku soo xusnay.
  • Dhqanka aduunka iyo soo jiritaanka diimaha aduunka oo culays wayn ku yimid, abuurtayna xadgudubka abuuritaanka alle, meel halisna mareysa.
  • Qaxootiga ku sii badanaya wadamada dhaqaalaha leh, waxay abuurtay nacayb keeni kara xasuuqii dagaalkii labaad oo kale ee aduunka ka dhacay.

Dhibaatooyinkaan iyo kuwa kale ee aynaan meeshaan ku soo koobi karin baa horyaala bulshada Puntland iyo Somalia, hadaba maxay Puntland ka yeeli doontaa arimahaan aan kor ku xusnay, sideebay dhulka Somalia oo dhan ula shaqayn kartaa si arimahaan looga tashado? Maanta iyadaa moodaa in aragtidii midnimo ee umada Somaliyed ay ku hartay, mas,uuliyad gooniyana ay saarantahay iney intii karaamkeed ah horyaal u noqoto.

Waxynu ugu ducayneynaa dawlad goboleedka uu Madaxweyne Deni iyo kooxdiisu hogaaminayaan iyo guud ahaan umada somaliyed in alle ku hogaamiyo wadada toosan.

Tifatirayaasha Barqamaal

Calanka Puntland

Lämna ett svar

E-postadressen publiceras inte. Obligatoriska fält är märkta *