Badhawe File: Al-qudus

Bildresultat för jerusalem

Qudus oo muslimiinta u ah magaalada sedexaad ee barakeysan ayaa horay waxaa wadanka USA u aqoonsaday iney tahay caasimada dalka israaiil. Maxaa wadamada Islaamku iyo caalamkuba ka yiraahdeen arintaas?

Hada wuxuu wadanka USA u aqoonsaday dhulka loo yaqaan goolan haayts oo ay leeyihiin Syria in dhulkaas lasiiyo wadanka Israaiil, maxaa caalamka Islaamku iyo aduumkuba ka yiraahdeen arintaas?

Tilaabada sedexaad ee lamaleynayo in lagu dhaqaaqi doono waa masaajidka wayn(Al-aqsa) ee qudus ku yaal in lagu dhajiyo midka dadka israaiil taariikh ahaan u yaqaaniin tembalkii sedexaad ee diinta yuhuudu ku andacooneyso in uu markii hore ku yiiley meesha masaajidka wayn ee qudus hada uu ka dhisan yahay, maxaa la gudboon caalamka Islaamka iyo dunida inteeda kale? Fitno intee le,eg bey keeneysaa arintaasu?

Masaajidka Al-aqsa iyo xarumaha ku xeeran waxaa taariikhiyan ka masuula boqorka wadanka jordan(Urdun) waxaase loo maleynayaa in USA iyo Israel labaduba ay rabaan in masuuliyadaas lagu wareejiyo boqorka wadanka Saudi-Arabia. Maxay kula tahay?